Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo ku dagaalamay degmada Dayniile

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay xalay xubno ka tirsan Al-Shabaab kusoo qaadeen bar-koontarool oo ku taalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

 

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ragga weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka ee ku sugnaa halkaasi.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa watay gaari Caasi ah, waxaana la sheegay inay si gaadmo u beegsadeen ciidamo ku sugnaa koontaroolkaasi,.

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka degmada Dayniile ayaa ku dhintay dagaalka, halka Al-Shabaab laga dilay labada xubnood, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Barta Koontarool ee la weeraray ayaa waxaa lagu magacaabaa Tiida, waana meel muhiim u ah isku socodka degmada Dayniile iyo deegaanada u dhow ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here