Maxaa iska beddelay Dakhliga DF kaddib ololaha la dagaallanka Musuqa?

0

MUQDISHO (SMN) – Dabayaaqadii Abriil-2023 dowladda Soomaaliya waxa ay billowday dagaal kadhan ah musuqa iyo boobka dakhliga ka soo gala ilaha kooban ee dakhliga dowladdu ka yimaado, ilahaas ayaa waxaa kamid ah garoonka diyaaraha ee Muqdisho oo bixiya adeegyo kaladuwan oo muhiim ah.

 

Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dadweyne ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyey isbeddel togan oo muujiyey in haddii saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan  oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan islamarkaana maareeyaan ay dowladdu heli karto dakhli kaalin weyn ka qaata inay bixiso adeeg dadweyne islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda.

 

Adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada oo kamid ah ilaha dakhliga dowladda ayaa sameeyey isbeddel dakhli oo aad u wanaagsan kaas oo aad uga duwan sidii uu ahaa bilihii kahorreeyey dadaalka dowladdu kugu jirto dabargoynta musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda.

 

Haddaba waxa aan halkan kula wadaageynaa muwaadiniinta Soomalaiyeed xog kooban oo aan helnay taas oo dhig ku sameyneysa dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaas adeeg 6dii bil ee ugu dambeysay

 

TT Bisha Kordhinta Fiisaha Fasaxa shaqada  
  January-2023 $423,950.00 $036,500  
  February-2023 $375,530.00 $071,160  
  March-2023 $268,840 $78,770  
  April-2023 $231,460 $219,290  
  May-2023 $361,470 $386,060  
  June-2023 $480,550 $340,730  

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here