MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimada, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa xalay kormeeray Ciidanka Birmadka Booliiska eeĀ Ilaalada Amniga Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Kormeerkan ayaa waxaa labada mas’uul ku wehlinayay Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maxamed Axmed Diiriye, Saraakisha Birmadka iyo Hoggaanka Dhismaha Booliiska,
Sidoo kale Kormeerkan ayaa ku saabsanaa korjoogteynta Hanaanka Shaqo iyo baraarujinta Ciidanka Birmadka ee ka howlgala Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-