MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa meydadka laba wiil oo dhalinyaro ah oo ay manta soo tuftay badda, kuwaas oo laga helay xeebta Geel Laq ee degmada Xamarweyne, halkaas oo dadweyne fara badan ay buux dhaafiyeen.
Nuur Xasan Cismaan oo kamid ah dadka deegaanka ayaa ka sheekeeyay, sida ay wax dhaceen, wuxuuna sheegay in dhalinyaradaas ay u dabaal tageen badda, kadibna ay la tegtay.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dib loo helay meydadkooda, isla-markaana ay soo qaadeen dadka deegaanka.
Mid kamid ah wiilasha ayuu sheegay inay marka hore qaaday badda, kadibna midka kale uu isku dayay inuu soo badbaadiyo, balse ay sidaasi ay ku geeriyoodeen labadooduba.
Maalmihii dambe ayaa waxaa lasoo warinayay xaalado kacsanaan ah oo badda ka jira, maadaama ay jiraan dabeylo xoogan waxayna aheyd maalin kahor markii ay xeebta Liido soo tuftay wiil ciyaartoy ah oo maalmo ay raadinayeen ehelkiisa, kaas oo isna geeriyooday.