DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay qorshaha bixitaanka ATMIS

0

MUQDISHO (SMN) – La-taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin Maxamuud oo u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo ku aadan qorshaha kala guurka ee ay ciidamada ATMIS uga baxayaan guud ahaan Soomaaliya.

 

Xuseen Macallin ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay dhammeystirto qorshahan, si ay ciidamada Soomaaliya ula wareegaan amniga dalka.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in dowladdu ay dib u dhigeyso bixista ATMIS, maadaama ay weli dalka ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

La-taliyaha amniga ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in bishii lasoo dhaafay ee June ay dalka isaga huleeleen illaa 2,000 oo askari, halka kuwa kalena ay bixi doonaan marka la gaaro 30 bisha September.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay kalsooni buuxda ku qabaan ciidamada Xoogga Soomaaliyeed oo sanadihii lasoo dhaafay sameynayay dib u kabasho, sidoo kalena tiro ahaan kordhayay, kadib markii ay heleen tababaro gudaha iyo dibadda ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ATMIS ay ciidamada Xoogga dalka ku wareejisay illaa 6 saldhiga oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, arrimahan waxay imaanayaan, ayada oo uu weli socdo guluf ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo hadda galaya wajigiisa labaad, waxaana ka qayb-geli doono dalalka dariska ah, sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya oo la’isku yiraahdo waddamada safka hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here