QOOR QOOR oo kulan isugu yeeray saraakiisha ciidanka DF iyo kuwa ATMIS

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay kulan deg-deg ah isugu yeeray saraakiisha laamaha amnniga maamulkaasi, kuwa Xoogga dalka iyo sidoo kale ciidamada howlgalka ATMIS.

 

Kulankan oo saacado qaatay ayaa waxaa looga hadlay xaaladda ammaanka guud ee Galmudud, gaar ahaan amniga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo hadal qaaday dardar-gelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug.

“Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka amniga kaasoo looga hadlay xaaadda guud amniga Galmudug, amniga caasimadda iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah cadawga argagaxisada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeeda.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ee Galmudug ka socday guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan lagu qabtay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here