XOG: Muxuu yahay ujeedka safarka madaxweyne Xasan ee Galmudug?

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadka soo socda booqasho ku tegi doono Galmudug, isaga oo tegaya deegaanadii ugu dambeeyay ee laga saaray Al-Shabaab, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

 

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu saldhigan doono degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo la filayo inay xudun u noqoto wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab.

Macluumaadka ay heleyso Idaacadda Shabelle ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay ciidan xoogleh geysay Galcad, si ay u sugaan amniga degmadaasi iyo deegaanada u dhow.

Sidoo kale madaxwyene Xasan Sheekh ayaa kormeeri doono xarumaha ciidamada ee ku yaalla jiidda hore ee dagalka, halkaas oo uu kula hadli doono ciidamada huwanta ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirto sidii dalka oo dhan looga saari lahaa Al Shabaab, waxaana socdo guluf ay iska kaashanayaan ciidamada iyo dada deegaanka.

Si kastaba, wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa la filayaa inuu dhawaan billowdo,  waxaana ka qayb-geli doono dalalka dariska ah, sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here