Dilal qorsheysan oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayaan askari ka tirsan ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano ilaalada shacabka oo dilay qof shacab ah.

 

Falkaan ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay isgoyska Bakaaraha, waxaana la sheegay in ninka la dilay ay shaqadiisu ahayd iibinta agabka fudud, sida ay innoo shegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo ku sugnaa goobta ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in marxuumka la dilay aad looga yaqiinay Baakaraha, isla-markaana uu muddo dheer ka shaqeynayay gudaha suuqaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga dilka geystay uu goobta isaga baxsaday, ayada oo goor dambe maydka laga soo qaaday halkaas, kadibna la geeyay xarunta CID-da.

Dhinaca kale rag hubeysan oo watay mooto ayaa suuqa weyn ee degmada Wadajir ku dilay askari hore oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa canshuuraha.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cali Xasan Cadow, wuxuuna hadda ka mid ahaa ilaalada shirkadda dhismaha ee Shaarba-weyne.

Kooxda dilka gaysatay ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, waxaana goor dambe gaaray ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka socday howlgallo culus, haddana sidaas oo ay tahay waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here