Ciidamada dowladda Soomaaliya oo helay hub culus iyo diyaarado dagaal

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay helay hub culus iyo diyaarado ay u adeegsan doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Xuseen Macallin Maxamuud oo ah Lataliyaha amniga ee madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in dalka uu soo gaaray hubkaasi iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee hubka ku xiran yahay.

Sida uu sheegay dowladda Soomaaliya ayaa qayb ka mid ah qalabkan soo iibsatay, halka kuwa kalena loogu deeqay, kadib markii laga khafiifiyay cunaqabateynta hubka ee saaran.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hubka uu ku jiro hoobiyeyaal iyo lidka diyaaradaha, loona adeegsado dagaallada Soomaaliya ee ZU.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dhawaan shirweyne dhaqaale loogu uruurinayo Soomaaliya uu ka dhacayo Mareykanka, kaas oo isna lagu taageerayo Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa muddo dheer dadaal ku bixineysay sidii looga qaadi lahaa cunaqabateyta saaran, ayada oo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo tegay Mareykanka uu dalab culus hordhigay Golaha Ammaanka ee QM.

Si kastaba, tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan gudaha Soomaaliya uu ka socdo guluf culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo hadda galaya wajigiisa labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here