Jubbaland iyo dowlad deegaanka oo ka wada-hadlay amniga xuduudaha

0

GODEY (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka Koobaad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga Magaalada Godey ee Dowlada Deegaanka Soomaalida ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Mudane Mustaf Muxumed Cumar.

 

Kulanka ayaa lagaga hadlay amniga xuduudaha, iskaashiga dhinacyada hormarka, isku socodka bulshada iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha dowliga ah.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Waxaa kamid ah Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalaynta Maxamed Ibrahim Ogle, Wasiirka Amniga Yuusuf Xuseen Cismaan, Wasiirka Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Ahmed Baraki iyo qaar kamid ah masuuliyiin maamulka Gobolka Gedo.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here