Sawirro: Taliska ciidamada Xoogga dalka oo soo saaray awaamiir culus

0

GALCAD (SMN) –  Saraakiisha hogaaminaysa howlgallada ka socda gobolka Galgaduud ayaa kulan ay ku yeesheen duleedka magaalada Galcad waxa ay soo saareen amaro ku socda shacabka ku sugan deegaanada uu howlgalka ka socdo iyo kuwa dhulka ay dagan yihiin uu ku wajahan yahay howlgalka.

 

Kulankaan  oo uu shir gudoominayay taliyaha Guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor Bashiir Cumar Cabdullahi ayna goobjoog ka ahaayeen taliye ururada kumaandooska Gorgor, Danab iyo saraakiisha hogaaminaysa ciidanka deegaanka ayaa waxa kasoo baxay qodobo ay kamid yihiin:-

1-in aysan la macaamilin khawaarijta shacabka si ay uga badbadaan duqaymaha iyo dagaalada lagu bartilmaameed sanayo Khawaarijta

2- in ay shacabku ka fogaadaan goobaha Khawaarijta joogto si ay uga nabad galaan Duqeeymaha iyo dagaalada

4-In ay la shaqeeyaan ciidanka oo soo gudbiyaan xogaha Khawaarijta iyadoo la qarinayo  xogtooda

5-Shacabka ku nool goobaha ay howlgalada ka socdaan ee gobolka Galgaduud iyo kuwa deegaanadooda lagu socdo  ha u diyaar garoobaan in ay iska dulqaadaan Khawaarijta arxanka daran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here