Madaxweyne Xasan Sheekh oo amray in ciidamo cusub laga qoro Galmudug

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan Dhuusamareeb ayaa amray in Galgaduud laga qoro ciidamo cusub oo la dagaaalama Al-Shabaab, sida uu shaaciyay guddoomiyaha gobollkaas, Cilmi Cali Ganey.

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Qoor Qoor ay isla garteen in la diyaaro dhalinyaro deegaanka ah oo ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ujeedka uu yahay in loo midoobo howlgallada xoreynta ee haatan ka bilaabanaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo shalay madaxweyne Xasan Sheekh uu gaaray Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka hoggaamin doono wajiga labaad ee dagaalka Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here