Dowladda Soomaaliya oo faah-faahisay weerar ka dhacay gobolka Hiiraan

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah lagu beegsaday deegaan ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

 

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka dib markii la helay xog sirdoon ah ay ciidamo wadajir ah howlgal ku bartilmaameedsadeen maleeshiyo Al-Shabaab ka tirsan oo isku uruursanayay tuullada Qoob-Yaxaas oo ku taalla Hiiraan.

Si rasmi ah oo madax banaan looma oga qaabka uu howlgalkaasi u dhacay iyo waliba khasaaraha uu geystay, laakiin warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maleeshiyiada Al-Shabaab uu soo gaadhay khasaare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here