Muxuu ra’iisul wasaaraha XFS ka yiri gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in mudda kooban lagu soo afjari doono howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle kadibna loo gudbi doono Koonfur Galbeed iyo Jubbaland

 

“Waxaan rajeynayaa in muddo gaaban lagu soo afjari doono Khawaarijta ku harsan deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle, si loogu gudbo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale dhammaan shacabka soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Xamse ugu baaqay in aysan  dhex-dhexaad marnaba ka noqon dagaalka Al-Shabaab, ayna taageeraan dowladda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mudda lagu jiray diyaar garowga dhameystirka howlgallada socda ay dowladda diyaarisay ku dhawaad 10-kun oo ciidan, kuwaas oo qeyb ka noqonayo howlgalka haatan ka socda Galmudug iyo HirShabelle.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha dhammaan hay’adaha dowladda faray in si wadajir ah looga wada qeyb qaato howlgallada, xildhibaanada ayu ugu baaqay in ay tagaan degaanada ay ka soo jeedaan oo ay dadka abaabulaan ayna ku dhiirigaliyaan ciidamada Xoogga dalka.

Si kastaba, Madaxweynaha Jamuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jiray wasiiro, sarakiil ciidan ayaa waxa ay gaareen Dhuusamareeb, iyadoo halkaas uu Madaxweynaha uu ka hagi doono dhameytirka howlgallada Al-Shababa looga xoreynayo degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here