Ciidamada dowladda oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada duleedka degmada Galcad

0

GALCAD (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab oo kaashanaya Macawiisleyda ay howlgallo ka wadaan duleedka degmada Galcad ee gobolkaasi.

 

Ciidamada huwanta ayaa isku fidiyay deegaano dhaca duleedka degmadaas, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa dhaq-dhaqaaqyada ka socda halkaas ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay in xubnaha Al-Shabaab laga saaro deegaanadaasi.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo hagaddiisa madaxweynaha Soomaaliya u tegay caasimadda Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here