CADAADO (SMN) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane C/Raxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka qeybgalay xaflad ka dhacday Degmada Cadaado ayaa ku ammaanay maamulka iyo bulshada halkaasi horumarka ay ka sameeyeen degmadaasi iyo dadaalka ay ugu jiraan in ay wax la qeybsadaan degmooyinka kale ee dalka.
Wasiir Caddaala oo si gaar ah uga hadlay shaqaaqooyinka ka jira gobolka ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo nabadda,isla markaana la iska qabto cid kasta oo horsed ka ah colaad dhexmarta dadka walaalaha ah ee ku sugan gobolka Gaalgaduud.
Sidoo kale Al-Cadaala ayaa soo hadal qaaday dilka shantii carruur ee maalmo kahor lagu dilay xadka ay wadaagaan gobolka Galgaduud iyo ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
“Waxaan cambaareynayaa falkii foosha xumaa ee lagu dilay carruurta, waana ka tacsiyeynayaa dhacdadaas” ayuu yiri Al-Cadaala.
Ugu dambehm Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdiaxmaan Yuusuf Al-Cadaala Mahadcelin odoyaasha dhaqanka oo uu tilmaamay in ay yihiin kuwo ka shaqeynaha wadajirka iyo wada noolaanshaha bulshada wada dega gobolka.