Muxuu Madaxweynaha JFS kala hadlay saraakiisha ku sugan Dhuusamareeb?

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

 

Kulamadan ayaa waxaa intooda badan looga arrinsanayaa howlgallada xoereynta ee la filayo inay dhawaan ka billowdaan gobollada dhexe ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay kulan gaar ah isugu yeeray saraakiisha ciidamada Xoogga  iyo kuwa Galmudug, isaga oo kala hadlay wajiga labaad ee dagaalka Shabaab.

Saraakiisha madaxweynaha ayaa u sheegay inay heegan ku jiraan, isla-markaana ay u dhaqaaqayaan deegaanada ay joogaan Shabaab oo ay ugu horeyso degmada Ceelbuur.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa horay ula kulmay waxgaradka deegaanka oo ay ugu horreeyaan odayaasha dhaqanka, isaga oo kala hadlay doorkooda howlgalka Galmudug.

Dhinaca kale waxaa dagaalkan qayb ka ah diyaarado dagaal oo la sheegay in qarakood ay soo iibsatay dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo taageeraya ciidamada huwanta.

Diyaaradahan oo ah nooca qumaatiga u kaca ayaa lagu arkay hawada deegaano ka tirsan gobollada dhexe, ayaga oo qayb ka ah gulufka ka socda halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyada xoogan ay ka socdaan agagaarka degmada Ceelbuur iyo deegaanada u dhow ee gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here