Dagaal culus oo ka socda degaaan u dhow magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo haatan ka socda degaanka Basra oo dhaca waddada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

 

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi, waxaan kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyo labada dhinac.

Ilo dadka degaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka ayaa intaasi kudii daraya in dagaalka uu sii xoogeysanayo, waxaana ka qayb qaadanayaa ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad, kuwa NISA iyo sidoo kale Boolis Milataaro, taas oo keentay in laga hortago weerarka Shabaab ay kusoo qaadeen degaanka.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo aan la xiriirnay ayaa innoo xaqiijiyay in weli dagaalka uu socdo, isla-markaana uu uga dhintay hal askari.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha ku warrameen in khasaare lixaad leh ay gaarsiiyeen xubnaha weerarka soo qaaday, ayna ka dileen 2 xubnood , kuwa kalena ay dhaawaceen.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana rasaas xoogleh laga maqayaa aagga Basra oo kamid ahaa deegaanada u dhow magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ay dagaalyahanadooda ku qaadeen halkaasi.

Aagga lagu dagaalamayo oo ah dhul beereed ayaa waxaa sanadkii hore laga saaray xubnaha Al-Shabaab, kadib guluf ay ku qaadeen ciidamada Haramcad, waxaana xilligaas hoggaaminayay Talliyihii hore ee taliska Booliska gobolka Benaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole), kaas oo lagu dilay dabaqaayadii Sebtembar ee sanadkii hore ee 2022-kii, qarax ka dhacay halka lagu magacaabo Laba-buundaale oo ah barta ugu dambeysa ee ciidan marka laga baxo degmada Balcad, loona socdo dhinaca beeraha,

Allaha u naxariistee Farxaan ayaa ku istaagay miino dhulka la galiyay, isaga oo markaas dhiirragalin ugu tagay ciidamo ku sugnaa halkaasi.

Si kastaba, dagaalka ka socda Basra ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan gudaha magaalada Muqdisho iyo cirifyadeeda, kuwaas oo ay la beegsaneyso xarumaha ciidamada dowladda federaalka.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo xoogiisa uu ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka, wuxuu dagaalka uu galay wajigiisa 2-aad, ayadoo hoggaamintiisana madaxweyne Xasan Sheekh u tegay caasimadda Galmudug.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here