DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta heerarka kala-duwan ee dowladda ku matala Galmudug
Ujeedka kulankan ayaa ahaa in la dardar-geliyo abaabulka howgalka billowday ee dhammeystirka wejiga koowaad ee xoreynta dalka.
Madaxweynaha ayaa dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan-lahaaayeen, halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay Al-Shabaab ka joogaan gobollada dhexe ee dalka.
Galmudug ayaa waxaa ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ku wajahan degmada Ceelbuur oo ay 15 sano ka badan joogaan xubanaha Al-Shabaab.
Ciidamada huwanta ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Waxbo iyo deegaano kale oo dhaca gobolka Galgaduud.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-