Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallada Galmudug iyo deegaanada la xoreeyay

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Galmudug, wuxuuna sheegay in dhul muhiim ah laga xoreeyay Al-Shabaab oo ay ugu horreyso magaalada Wabxo oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

 

Caanood ayaa sheegay in ciidamada huwanta ay haatan wadaan howlgal amni xaqiijin ah, si miinooyinka looga saaro deegaanada la xoreeyay ee gobolkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidanka ay ku sii siqayaan aagga degmooyinka Ceeldheer iyo Galhareeri, sidoo kalena ay  la wareegeen deegaanada Jaaw Gaagaale, Gal-qoryaal, Biddeciise.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in ay aagagga dagaalka iska soo dhiibeen dhallinyaro badan oo ka barbar dagaalamayay Al-Shabaab, kuwaas oo ka faa’iideystay cafiska dowladda, islamarkaana la soo dhaweeyay.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa gobollada dhexe ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here