JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha HirShabellle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Shir looga hadlayay Barnaamijka Xasilinta ee ku qotoma Mashaariicda Bulshada, Maamul dhisida, Amniga, Cadaaladda iyo Xalinta Khilaafaadka.
Shirkaan oo ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaanada deegaanka Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabeelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa diirada lagu saaray Dardargalinta iyo Isku Xirka Arrimaha Xasilinta adkeynta Nabadgelyada, Maamul dhisida, Dadaallada Xalinta Khilaafaadka, Xoojinta iyo Tayeynta Hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho adeeg Garsoor oo Cadaalad ah.
Madaxweyne Cali Guudaalwe ayaa xusay in deegaanka Cali Gaduud iyo dhammaan Magaalooyinkii laga xoreeyay Al-Shabaab la gaarsiiyo adeegyo horumarineed oo waxtar u leh bulshada si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinka ka jir halkaasi.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-