Sawirro: Madaxweyne Laftagareen oo ka dagay Dhuusamareeb + Ujeedka

0

DHUUSAMAREB (SMN) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta ka degay Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

 

Laftagareen ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey dhiggiisa Galmuduy Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa caasimadda Galmudug u gaaray si uu uga qayb galo shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo Barri ka furmaya degmada Dhuusamareeb.

Ammaanka magaaladan ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana maalmo ku sugan madaxweynaha Soomaaliya oo halkaas ka hogaaminaya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here