MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war cusub ka soo saaray dagaalka u dhexeeyo ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland ee ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Sheekh Shariif ayaa farriin nabadeed u diray labada dhinac, si xal looga gaaro colaadda muddada dheer ka taagan magaaladaasi.
Sidoo kale madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay gabtay doorkeeda, isla-markaana looga baahan yahay inay u istaagto joojinta dagaalkaasi.
Halkan hoose ka akhriso:-
Dowladda Fedraalka Soomaaliya waa inay qaadato dowrkeeda ku aaddan Nabadaynta iyo Heshiisiinta labada dhinac, waxaana adkaynaynaa in dagaal dambe uusan wiil hadda nool nooga dhiman, Carruur kale aan la agoontayn, Hooyo Soomaaliyeed Asaay aan loo saarin, loona ogolaado dadka shacabka ah inay guryahooda dib ugu soo laabtaan si nabad ah.