MUQDISHO (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo ku aadan dhacdadii xalay ka dhacday Suuqa Bakaaraha, taas oo ka dhalatay dabaqyo soo dumay.
Afhayeenka gobolka Saalax Carab ayaa sheegay in Duqa Muqdisho uu goobta tegay, isla-markaana uu qiimeeyay xaaladda iyo sida ay wax dhaceen.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in falkan loo soo xiray afar Ijineer oo ah kuwa dhisay labada dabaq ee soo duntay oo sababay dhimashada ugu yaraan saddex qof.
Ma ahan dhismahani kii ugu horreeyay ee magaalada Muqdisho ku duma ama ay wax waxyeelo kasoo gaarto xubno isku qoyska ah.
Dhawaan ayey aheyd markii ay afar wiil oo walaalo ahaa ay ku dhinteen dhisme dabaq qadiimi ah oo kusoo dumay kaas oo kuyaala Degmadda Shangaani ee gobolka Banaadir.