Ciidamada dowladda oo howlgallo culus ka wada degmada Qoryooley + Ujeedka

0

QORYOOLEY (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgallo culus oo amni xaqiijin ah ka wada degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Ujeedka howlgalkan ayaa ah mid lagu baadi goobayo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo shalay weerar culus ku qaaday degmadaasi, sida ay innoo sheegeen saraakiisha amniga.

Sidoo kale waxaa degmada laga dareemayaa raadka dagaalkii shalay ka dhacay halkaas oo dhaliyay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur intaba.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in dagaalkaasi ku dishay in ka badan 30 xubnood, isla-markaana ay ka hortegtay weerarka Al-Shabaab.

Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro lagu soo qaado sladhigyada ciidamada Xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here