Madaxweyne Xasan Sheekh oo war cusub kasoo saaray weerarkii Coswayne

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ka hadlay weerarkii maalmo ka hor ka dhacay deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo uu khasaare lixaad leh kasoo gaaray ciidamada Xoogga dalka.

 

Madaxweynaha oo ka hadlay kulan lagu qabtay barta Twitter Space ayaa shaaca ka qaaday in Cowswayne ay noqotay meesha kaliya ee lagu soo jabiyay ciidamada dowladda.

“Meeshaas Cowswayne meel aan ahayn oo ciidanka Dowladda lagusoo jebiyay ma jirto. Hadda xooggaa waa laga daba tagay, xaqiiqadanii waa soo taabteen dhallinyarada,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday sababaha keenay in ciidamada ay dib uga soo baxaan deegaanadii ay horay u qabsadeen, wuxuuna tilmaamay in ujeedka uu yahay in dib loo abaabulo ciidanka, isla-markaana loo sameeyo niyad dhis, si ay dib ugu laabtaan dagaalka.

Hadalkan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo aadayo, ayada oo falcelin xoogan ay ka dhalatay weerarkii Cowswayne kaas oo lagu laayay askar badan oo ka tirsan Xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here