Ciidamo xoogan oo kusii qulqulaya aagga dagaalka ee gobolka Sool

0

LAASCAANOOD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qaybo badan oo ka mid ah gobolkaasi, kuwaas oo u dhexeeyO SSC-Khaatuma iyo Somaliland.

 

Labada dhinac ayaa haatan ciidan isku uruursanayo, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale dagaal uu ka qarxo aagga magaalada Laascaanood.

Gelinkii dambe ee Axaddii, illaa xalay waxa ay ciidamo kasoo dhaqaaqeen magaalada Garoowe iyo deegaanada hoos yimaada, iyaga oo ku sii jeeda furumaha hore ee dagaalka.

Sidoo kale Somaliland ayaa dhankeeda abaabul xoogleh ka wadda magaalada Oog ee gobolka Sool, halkaas oo saacadihii u dambeeyay ay soo dhoobtay ciidamo dheeraad ah.

Ujeedka Somaliland ayaa ah inay duulaan ku qaado ciidamada SSC-Khaatuma ee ku sugan bariga Laascaanood, maadaama dhawaan laga fara maroojiyay xerada Goojacadde.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dadka deegaanka ay haatan cabsi xoogleh ka muujinayaan in mar kale ay dagaalamaan labada dhinac.

Dhawaan ayay aheyd markii dagaal culus oo ka dhacay bariga Laascaanood lagu jebiyay ciidamaz Somaliland, kadib markii looga qabsaday taliskii weyn ee Goojacadde iyo deegaanka Maraagga oo muhiim u ah isku socodka magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood.

Si kastaba, dagaalka u dhexeeyo SSC iyo Somaliland ayaa galay bishii 8-aad oo xiriir ah, waxaa ku dhintay boqolaal qof, halka ay ku dhaawacmeen kumaan kale, kuwaas oo isugu jiro shacab iyo dhinacyada dagaalamaya.

Magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale burburtay, kadib duqeymo ay ku garaaceen ciidamada Somaliland, iyada oo intoodii ugu badneyd dadka shacabka ahna ay isaga barakaceen halkaasi, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here