Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo ka bilaabay degmada Maxaas

0

MAXAAS (SMN) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka degay degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib mudo bil ah oo uu ku sugnaa caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

 

Maxaas waxa ay ka mid tahay magaalooyinkii  gobolka Hiiraan ee uu ka billowday dagaalka haatan lagula jiro Al-shabaab oo markii hore ka curtay kacdoon shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulamo kala duwan kula yeeshay degmadda Maxaas siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo iskugu jira heer Federaal iyo heer dowlad-goboleedba isaga oo kala arrinsaday sidii ay garab iyo gaashaanba ugu noqon lahaayeen howlggalada.

Shacabka iyo maamulka gobolka Hiiraan oo iyagu hormuud u ahaa billowgii halganka ayaa bilihii ugu dambeeyay ka maqnaa saaxadda dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyadoo taasi ay sababtay khilaafaad dhexdooda ah iyo sidoo kale tabashooyin ay ka qabaan awood-qaybsiga HirShabelle iyo dowladda dhexeba

Cabdiraxmaan Xuseen Cadow oo ah guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka Daldhis, marna u soo tartamay xilkma madaxweynaha HirShabelle oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in reer Hiiraan ay tabasho qabaan ilaa uu madaxweynuhu ka xaliyana aysan suurtagal aheyn  in ay ku garabsiiyaan markale dagaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu maalmo sii joogi doono gudaha degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan, si uu halkaasi uga abaabulo kacdoon Shacab oo kale oo garab iyo gaashaan u noqda ciidanka Xoogga dalka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here