Faah-faahinta weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Nuur Dugle

0

NUUR DUGLE (SMN) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay saaka weerar culus ku qaadeen deegaanka Nuur Dugle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal toos ah, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab, ayna dib u celiyeen.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana haatan lagu soo warramayaa inay dagan tahay xaaladda deegaanka lagu dagaalamay.

Maalin kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale ay l-Shabaab u weerareen deegaanka Daarunicma oo ka tirsan isla gobolka Shabeelaha Dhexe, inkastoo isna laga hortegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here