Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay hoggaanka taliska CXD + Sawirro

0

AADAN YABAAL (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la kulmay hogaannada taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo qorshaha dalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Hogaannada taliska CXDS ayaa la wadaagay Madaxweynaha qorsheyaal muddo kooban Khawaarijta dalka looga sifeynayo, iyaga oo adkeeyay sida naf-hurnimada iyo geesinimada leh ee ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin difaaca qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay qorshe cad ka leedahay
dhammeystirka baahiyaha ciidanka iyo dalacsiintooda, waxa uuna saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda si looga guuleysto argagixisada dhibka ku haysa dadka iyo dalka.

Kualnka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here