Cali Ciid oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda ka taagan Galmudug

0

CAABUDWAAQ (SMN) – Madaxweryne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo ku sugan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan khilaafka isaga iyo madaxweyne Qoor Qoor.

 

 

Cali Ciid ayaa sheegay in shacabka degmada Caabuqwaaq ay ku hoos dul-manyihiin maamulka Galmudug, isla-markaana aysan u madax banaaneyn mamulkooda golaha deegaanka degmadda iyo canshuurta iyaga kasoo xaroota, sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo ka qeybgalayey doorashada golaha deegaanka degmadaas ee garab isaga taageersan ayuu hadalkan jeediyey xili uu ay khudbadiisu kusoo aaday khilaafka cusub ee ka dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha dowlad goboleeda Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Galmudug oo mudooyinkii ugu dambeeyay uu ku suganaa madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa haatan ka taagan khilaaf u dhexeeya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, kasoo ka kacay doorashada golaha geegaanka ee degmadda Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kasoo jeedo madaxweyne ku xigeenku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here