Israel oo qorsheynaysa inay xiriir la yeelato Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Eli Koohen ayaa sheegay in maamulkiisa uu qorsheynayo inuu la yeesho xiriir cusub Soomaaliya, inkastoo mucaaradad kala kulmaya diidmo xoogan, sida ay sheegtay warbaahinta Hebruu.

 

Wasiirka waxa uu jecel yahay in heshiis lala galo Soomaaliya si uu codkeeda uga helaan marka laga codeynayo fagaarayaasha caalamiga ah oo xili hore u codeyn jiray qaraarada ka dhanka ah Israa’iil.

Waxa uu tilmaamay in tallaabadan ay dhalisay gudaha Israel xiisadda daba-dheeraatay oo u dhaxaysa Golaha Ammaanka Qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo soo taxnayd tan iyo sannadkii 2014-kii markaasoo awoodda wasaaradda lagala wareegay.

Warbixintu waxay soo xigatay in Kohen ay u badan tahay inuu la kulmay shaqsiyaad aadka ugu dhow madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa xusid mudan in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu sanadkii 2016-kii magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynihii xiligaas xukumayay  Soomaaliya, balse wixii xilligaasi ka dambeeyay waxaa socday wadahadallo aan toos ahayn oo dhex maray dublamaasiyiin ka socda labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here