AWDHEEGLE (SMN) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolkaasi.
Barre ayaa sheegay in laga hortegay weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen degmada, sidoo kale lagu gaarsiiyay khasaare culus.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ku dhowaad 10 xubnood Al-Shabaab looga dilay dagaalka, sidoo kalena ay goobta ka qaateen dhaawacyo fara badan.
“Cadawga saakay soo weeraray Awdheegle cashir ayaa loo dhigay waxaa laga dilay ku dhawaad 100 xubnood oo u badnaa caruur ay soo qaldeen, walina ciidankeena waxay ku daba maqan yihiin haraadigii baxsaday, sidii ay usoo dhameystiri lahayeen” ayuu yiri Barre.
Sidoo kale wuxuu intaais ku daray in haatan ay xaaladda degan tahay, ammaankana ay sugayaan ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.
Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca weeraro iyo dagaallo gaysta khasaare kala duwan.