MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu Wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xalay kormeer ku saabsan u kuur galida sugida Amniga Caasimadda ku tagay baraha Kontorol ee ku yaala Degmooyinka xiga qeybta Bari ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u booqday baraha Koontarool ee laga soo galo dhinaca Bari, isaga oo waday qiimayn guud.
Sdioo kale waxa uu warbixino amniga quseeya ka dhageystay saraakiisha iyo ciidankii uu kula kulmay goobihii uu booqday,
Duqa magaalada Muqdosho ayaa sidoo kale ku dhiirageliyay ciidamada sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ka hortaga weerarada Al-Shabaab.
Maalmihii u dambeeyay maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha amniga ayaa waday qorshayaal lagu sugayo amniga caasimadda.