DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in goodhow qarax xoogan uu ka dhacay gudaha deegaanka Ceelgaras oo ay maanta uun la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay gaari ay la socdeen xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegaya in gaariga la qarxiyay ay la socdeen xildhibaan Maxamed Maxamuud oo ka tirsan baarlamaank Galmudug iyo xildhibaan Cabdullaahi Ibraahim oo isna kamid ah golaha deegaanka Dhuusamareeb.
Labada xildhibaan ayaa lagu soo warramayaa in ay isla goobta ku dhinteen, isla-markaana maydadkooda laga soo qaaday halkaasi.
Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo soo gaaray qaar kamid ah askartii xildhibaanada ku wehlinayay socdaalkooda deegaanka Ceelgaras.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana howlgallo culus wada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan halkaasi.