MUQDISHO (SMN) – Siyaasiga Nuur Sheekh Cismaan oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay kororka weerarada ay Al-Shabaab ku qaadaan saldhiyada ciidanka dowladda iyo kuwa deeganaka oo kordhayay maalmihii lasoo dhaafay.
Nuur Sheekh Cismaan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin looga hortegayo weerarada Al-Shabaab, si uusan khasaare kale kale usoo gaarin ciidamada.
Waxa uu tilmaamay in weerarada Al-Shabaab ay yihiin kuwa gaadmo ah, ayna kusoo aadiyaan, xilliyo aroor ah oo aysan inta badan soo jeedin ciidamada, isaga oo sheegay in ay tahay in cashir laga barto isku daya Al-Shabaab ee ku aadan weerarada dheelmashada ah.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay kordhiso dadaalkeeda ku aadan ciidanka, ayna la timaado qorshe ka duwan midka ay hadda ku wajaheyso Al-Shabaab.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada maalmihii lasoo dhaafay ay kordheen weerarada Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay midkii ay shalay ku soo qaadeen Awdheegle, kaas oo ay dowladdu sheetay inay ka hortegtay, khasaarana lagu gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab.