Axmed Madoobe oo magacaabay wakiil Jubbaland u joogaya dalka Kenya

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha maamulka goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta sameeyay magacaabis, kadib wareegto uu soo saaray.

 

Axmed magacaabay wakiil cusub oo Jubbaland u fadhin doono magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxaana xilkaas loo magacaabay Sadik Abdullahi Bogale.

Halkan hoose ka akhriso:-

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WAKIILKA DOWLADDA JUBALAND U JOOGA DALKA KENYA.

Tix-raac:XM/DGJS/045/2023

UJEEDDO: MAGACAABIS WAKIILKA DOWLADDA JUBALAND U JOOGA DALKA KENYA.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay:-  Dastuurka Dowladda Jubaland,Cutubkiisa 4aad,Qodobka 72aad , Farqada(3aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland.

Markuu Latashaday:- Madaxweyne ku-xigeenada Dowladda Jubaland.

Wuxuu Madaxweynaha Dowladda Jubaland u magacaabay Mudane Sadik Abdullahi Bogale

Wakiilka Dowladda Jubaland u Jooga Dalka Kenya.

Magacaabistan waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here