Ciidamada ammaanka oo howlgallo culus ka sameeyay Muqdisho + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda iyo Booliska ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallado culus ka sameeyay gudaha magaalada Muqdisho.

 

Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay degmooyinka dhaca koonaha magaalada, sida Dayniile, Heliwaa iyo qaar kamid ah deegaanada dhaca duleedka caasimada.

Waxaa la arkayay ciidamada ammaanka oo gudaha u galaya xaafadaha iyaga oo sameenaya baaritaano la xiriira hubka sharci darada ah iyo shaqsiyaadka la tuhunsan yahay.

Sidoo kale ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, si looga hortago falalka amni darrada ah iyo weerarada ay soo abaabulaan Al-Shabaab.

Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen gaari siday walxaha qarxa iyo ninkii waday, kadib howlgal ka dhacay deegaanka Daarusalaa ee duleedka magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here