Madaxweynaha JFS oo la shiray madaxda iyo saraakiisha ku sugan Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan wadatashi ah Magaalada Dhusamareeb kula qaatay guddoonka  Xildhibaanada BFS, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ee ka howlgala furimaha dagaalka.

 

Kulankaaasi waxaa dhinacyada ka qeybgalay ay ka arrinsadeen dardar galinta dagaalka Al-Shabaab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh   oo ka hadlay kulankaasi uu xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaabka weli ku sugan gudaha dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku taliyay in dhallinyarada la marin habaabiyay ay ka soo laabtaan la shaqeynta kooxda, isla-markaana ay wax la qeybsadaan bulshada Soomaaliyeed ee u xusul duubaya horumarkooda.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa markale uu shacabka ku  adkeeyay in ay u midoobaan dagaalka Al-Shabaab, si looga saaro dalka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here