Madaxweyne Yoweri Museveni oo ka horymid gooni isu taagga Somaliland

0

KAMPALA (SMN) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in dowladdiisa aysan taageersaneyn in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya, maadaama ay qalad tahay istaartiiji ahaan.

Yoweri Museveni AYAA sheegay inay Uganda diyaar u tahay inay dhex dhexaadiso dowladda federaalka iyo Somaliland.

“Waxaa iigu yeeray Aqalka Madaxtooyada ee Entebbe Dr Jaamac Muuse Jaamac oo ah ergayga gaarka ah ee u qaabilsan ariimaha dibadda Somaliland. Ma taageersaneyn in Somaliland ay ka go’do Somalia waayo, xeelad ahaan, waa khalad” ayuu yiri Museveni.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka ayaa la kulma caqabado isku mid ah iyadoon loo eegeyn midab iyo diin, sidaas awgeed, waa inay qaataan siyaasadda danta, oo ka muhiimsan siyaasadda aqoonsiga”.

Madaxweynaha dowladda Uganda aoo hadalkiisa suii wata ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen in ay qaadato Uganda doorkii fududeynta nabadda ee labada dhinac.

“Suuqa gudaha ee waddan kaliya kuma filna, sidaa awgeed waxa loo baahan yahay in Somalia iyo Somaliland ay midoobaan, isla-markaana ay ka ganacsadaan wadamada kale ee Afrika” ayuu Madaxweynaha Uganda ku soo gebogabeyay hadalkiisa.

Ma’ahan waddankii ugu horreeyay ee ka soo horjeesta gooni-isu-taaga ay ku dhawaaqday Somalilandm waddamo badan ayaa horay ugu soo horjesstay, waxa ayna ku baaqeen in Somalia iyo Somaliland ay dib u midoobaan kana heshiiyaan khilaafaadka u dhexeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here