DF Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) –  Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa Maanta xarunta dhexe ee SoDMA Waxa uu ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi iyo Masuuliyiin katirsan Qatar Fund iyo hay’adda Qatar Charity.

 

Labada dhinac waxay ka wada-hadleen sidii dowladda Qatar ay SoDMA uga caawin laheyd gaarsiinta Gargaarka goobaha la xoreeey ee Maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Sidoo kale mas’uuliyiinta waxay ka wada hadleen sida dowladda Qatar uga qeyb qaadan laheyd u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta Musiibada El-Nino oo laga cabsiqabo in ay ka dhacdo qeybo kamid ah dalka.

Intaas kadib Guddoomiyuhu iyo Safiirka waxa ay si wadajir ah u booqdeen Xarunta Howlgalada gurmadka deg-degga ee hay’adda SoDMA taas oo ay ka daah fureen qalabeynta xafiisyada dabaqa hoose oo ay dhawaan fulisay  Qatar Charity.

Guddoomiyaha iyo safiirka waxey isla dhagax dhigeen si wadajir ah masaajid laga hir gelin doono gudaha Xarunta Howlgalada Gurmadka Deg-Degga ee hay’adda SoDMA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here