MINNEAPOLIS (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Mareykanka, isaga oo magaalada New York kaga qeyb galay kulanka guud ee Qaramada Midoobay.
Kulankaas kadib, ra’iisul wasaaraha ayaa dhanka kale magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kula kulmay, jaaliyadda Soomaalida ee Mareykanka.
Dadka uu sida gaarka ah ula kulmay waxaa kamid ah, culimada gobolkaas oo uu ka codsaday, inay ka taageeraan dagaalka ay dowladda kula jirto Al-Shabaab hadii ay ahaan lahayd fikir iyo dhaqaale ahaanba.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in bulshada ay wacyigeliyaan, si meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab.
Dowladda federaalka ayaa hadda dagaal culus kula jirto Al-Shabaab, kaas oo uu xoogiisu ka socda degaanada HirShabelle iyo Galmudug.