Baydhabo (SMN) – Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed iyo Taliyaha Booliska Maamulkaas G/Sare Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa gudoomiyay kulan lagu dar-dargelinayo amniga oo maanta lagu qabtay Magaalada Baydhabo.
Shirka waxaa ka qeyb galey Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad iyo saraakiisha qeybaha.
Kulanka waxaa looga hadlay dardar galinta Wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee deegaanada Koofur Galbeed iyo in Ciidamada Booliska ay ka qeyb qaataan dagaalka Shabaab looga xoreynayo deegaanada maamul goboleedka Koofur Galbeed.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-