MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay xoojiyay howlgallada lagu sugayo amniga oo ay ka wadaan gudaha iyo duleedka Muqdisho.
Ujeedada howlgalladan ayaa ah sidii looga hortagi lahaa khataraha dhinaca amniga ee la filan karo xili dowladd ay ku jirto abaabulka dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Cidamada sida gaarka ah ugu xil-saaran xasilinta caasimadda ee Boolis Milataaro ayaa waxaa saaka ay howlgal ka wadaan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo ah mid qorsheysan.
Sidoo kale ciidamada ayaa baaraya gaadiidka iyo xaafadaha deegaankaas oo dhaca waddada dheer ee aada dhanka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Saraakiil dhanka amniga ah ayaa ku waramay in howlgalkan uu ahaa mid looga hortagayo falalka amni daro, isla-markaana ka dhan ah shaqsiyaadka lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo kuwa kale ee burcadda ah ee dhibaateeya dadka shacabka ah.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jiray howlagallo amni sugid ah oo ka soconayay xaafadaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, kuwaasi oo qeyb ka ah qorshaha amni sugidda ee dowladda Soomaaliya.