Nin dilay Sheekh Soomaali ah oo lagu maxkamadeynayo dalka Mareykanka

0

COLUMBUS (SMN) – Maxkamad ku taalla magaalada COLUMBUS, ee gobolka Ohio kasoo muuqday John Wesley oo loo heysto dilka Sheekh Mohamed Hassan Adam, oo ahaa Iman Masjid oo kasoo jeeda dalka Soomaaliya.

 

Sheekha oo imaan ka ahaa Masjidka Abu Hurairah ee magaalada COLUMBUS ayaa la waayay xili uu Gurigiisa kusii jeeda bishii December 2021, iyadoo maalmo kadibna la helay meydkiisa oo ka muuqda dhaawacyada rasaastii lagu dilay isagoo gaarigiisa saaran.

Booliska ayaa u xiray dilka John Wesley, oo ah ninka ku eedeysan dilka heekh Mohamed Hassan Adam oo gilgilay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, oo dalbaday cadaalad inuu helo Sheekha la dilay.

John Wooden ayaa dhowr jeer la xiray isagoo geystay dembiyo kala duwan oo dhac iyo dil ay kamid ahaayeen, waxayna booliska sheegeen inuu yahay shaqsiga dilay Sheekh Mohamed Hassan Adam. Maxkamadda ayaa la filayaa inay xukun ku rido marka ay dhamaato dhegysiga kiisaska horyaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here