Wiil yar oo kufsi iyo dil loogu gaystay waqooyiga magaalada Gaalkacyo

0

GAALKACYO (SMN) – Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, taas oo lagula kacay wiil oo 11 sano jir ah.

 

Falkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kadib markii lagu dilay wiilka yar oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Yuusuf Jihaad.

Koox dhalinyaro ah ayaa la sheegay inay gaysteen falka, kuwaa soo dilka ka hor faraxumeeyay wiilka yar, kadibna si arxan darro ah u dilay, sida lagu sheegay warqad caddeyn ah oo kasoo baxday maamulka isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

Qoraalka ayaa lagu waxaa lagu sheegay in sidoo kale fakan uu yahay mid kamid ah kuwii ugu xumaa ee sanadahaan dmabe ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan baadi goobka kooxdii ka dambeysay falkaasi arxan darrada ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gacanta lagu soo dhigay dhowr qof oo tuhmanayaal ah, kuwaas oo ay hadda baaris ku hayaan ciidamada booliska ee magaaladaasi.

Gaalkacyo ayaa waxaa marar badan laga soo wariyay dhacdooyin xanuun badan, waxaana weli xasuusta dadka ka go’in dilkii iyo kufsigii loo geyatay Caa’isha Ilyaas Aadan oo 12 sano jir ahayd, inkastoo Puntland oo xukun adag ku ridday raggii ka dambeeyay falkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here