Guuleed oo war cusub kasoo saaray wadahadallada DFS iyo Somaliland

0

MUQDISHO (SMN) – Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland Cabdikariim Xussen Guleed ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay raadinta midnimada dalka iyo qancinta cid kasta oo qabta dareen tabasho.

 

Ergayga oo Ka hadlay xaflad qallinjabin ah ayaa qiray  in aysan jirin Wax isbadal ah oo ku yimid siyaasadda dowladda FS ee ku aadan Wadahadallada Soomaaliland.

Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland waxa uu xusay in wadajir la’aanta umadda ay horseedi karto gaabis ku yimida dhanka horumarka bulshada iyo dhismaha heykalka dowladnimo.

Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland Cabdikariim Xussen Guleed,waxa uu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso arrimaha waxbarashada amniga iyo midnimada dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here