DHUUSAMAREEB (SMN) – Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa gobolka Galgaduud kusoo bandhigay odayaal la sheegay inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen uruurinta xoolaha, qaybo ka mid ah gobolkaasi.
Cali Maqane & Axmed Cali Gadaf oo ka mid ahaa Odayaasha sida dhaw ula shaqeeyn jiray Al-Shabaabka ku sugan Degmada Ceeldheer & Deegaanka Cowswayne ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka & Kuwa dib u xoreeynta Deegaanka ee Howlgalada ka wada Xadka Galgaduud & Shabeellaha Dhexe.
Axmed Cali Gadaf waxaa uu AL-sHABAAB kala shaqeeyn jiray in uu u keeno Xoolaha AY ka Doonayaan Dadka ku nool Deegaanka Cowswayne waxaana uu ka mid ahaa Odayaal dhawaan Al-Shabaab kusoo bandhigeen deegaankaas maamlmo ka hor intii aysan gaarin Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka.
Cali Maqane oo isna in mudo ah u shaqeynayay Al-Shabaab waxaa uu u ahaa Oday Dhaqameed ama (NAQIIB) waxa ay u yaqaanan kaas oo Aruuriyo Xoolaha dadka degaanka waa nin si wayn loo yaqaya deegaanadaasi.
Gobollada Dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo dhul ballaaran ay kula wareegeen ciidamada dowladda.