Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta magacaabay Ergay cusub

0

MUQDISHO (SMN) –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ergayga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Mudane Xil.dhibaan Cumar Ibraahim Xaashi.

 

Ergeyga Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka ayaa u xilsaaran xakameynta qasaaraha rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay ka socdaan howlgallada xoreynta dalka iyo Xasilintooda , waxa uuna Madaxweynuhu kula dardaarmay in uu si hagar la’aan ah ugu soo dhalaalo masuuliyaddan adag ee ay ku jirto badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mudnaanta koowaad siinaya sidii deegaannada laga xoreeyey argagixisada Alshabaab ay u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho ayaa faray Hay’adaha dowladda iyo Talisyada Ciidamada Qalabka Sida in ay si dhow waajibaadkiisa ugu gacan siiyaan Ergeyga Gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here