AFGOOYE (SMN) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Jasiir ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Booliska Gobolka Banaadir iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Barre ayaa ku eedeeyay ciidamada Booliska inay weerar ku qaadeen ciidamada Koonfur Galbeed oo ku sugnaa kastam lagu qaado canshuuraha oo u yaalla halkaasi.
Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in dagaalkaas lagu dilay hal askari lagu dhaawacay mid kale, kaas oo kamid ah ciidamada ku sugnaa goobta la weeraray.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay taliska Gobolka Banaadir oo ku aadan eedeyntaas loo jeediyay ee la xiriirta dagaalka ka dhacay deegaanka Jasiira.
Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana lagu soo warramayaa inuu si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa waddada aada Jasiira oo dhacda dhanka xeebta.